Ilaha Ardayda Barata Af Ingiriiska
Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah, dhagsii halkaan.
Dulmar guud
Massachusetts Department of Elementary iyo Secondary Education (DESE) ayaa kadoonaysa dhamaan qoysaska caruurtooda kaqoraaya dugsiyada dawlada ee gobalka Massachusetts inay maraan Xog aruurinta Luuqada Gurigga. Ayadoo laraacaayo jawaabaha aad kubixiso xog aruurinta Luuqada Gurigga, ardaygaaga ayaa mari kara imtixaanka kubiirista dugsiga. Imtixaankaan ayaa xaqiijinaaya in cunugu uqalmo Taageerada Luuqada Ingiriiska iyo inkale.
Haddii aad ardaygaagu ubaahnayn taageerada dheeriga ah ee luuqada Ingiriiska waxay raacayaan dhamaan hanaanka rasmiga ah ee codsiga loogana qorayaayo dugsiga.
Haddii aad ardaygu ubaahan yahay taageerada dheeriga ah ee Luuqada Ingiriiska, wuxuu ardaygu ubaahan karaa inuu kubiiro dugsi gaar ah kaasoo leh barnaamij gaar ah loona diyaarshay inuu adeegyada aasaasiga ah siiyo cunugaaga.
Boston Public Schools (BPS)
-
Diiwaangalinta dugsiga marka koobaad: Qaabka ugu dhakhsiyaha badan, ee ugu haboon diiwaangalinta dugsiga iyo adeegyada taageerada gaarka ah ee Luuqada waa in lasoo maro DiscoverBPS. Waxaan qoraynaa cunugaaga waxaana uqabanaynaa xili uu qaato tijaabada luuqada ingiriiska. BPS waxay kaadoonasaa inaad isqorto inta lagu jiro mudada isdiiwanagalinta muhiimka, aadna iskuqorto qaadashada imtixaanka sida ugu dhakhsaha badan, bisha Sebteembar kahor marka cunugaagau galaayo dugsiga. Ayadoo laraacaayo natiijada imtixaankaas, degmada ayaa kaataageeraysa doorashada dugsiga.
-
Dugsiyada kala wareegaaya: Marka hore, shaqaale dugsiga cunugaagu hadda dhigto katirsan ayaa laxariiraaya shaqaalaha degmada si ardaygaaga dugsi loogeeyo. Hase yeeshee, hakacabsan inaad cunugaaga udoodo. Haddii aan cunugaagu helayn taageerada uu ubaahanyahay, balan kaqabso dugsiga si aad ula hadasho maamulaha dugsiga ama xafiiska degmada si aad taageero dheeri ah uhesho.
-
Liiska SEI (Hooy Barashada Ingiriiska) Dugsiyada BPS luuqad ahaan
-
Liiska Dugsiyada BPS ee Labada Luuqadood/Barashada Labada Qaab ee Luuqada
Kawaran Adeegyada EL ee laga baxsho dugsiyada kale ee BPS?
-
Iskuulada kale sida iskuulada Charter ka ah, iskuulada madaxa banaan ee gaarka loo leeyahay, iyo iskuulada diinta gaarka looleeyahay mid waliba waxay raacaan diwaankooda u gaarka ah iyo isqorista habraaca adeegyada luuqadaha. Xaqiiji inaad dugsiga lajoogto dhamaan mudada hanaanku socdo.
Ilaha kale ee aad caawimaada kahelayso
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican