Sida loo gaaro Go'aankaaga Kama Danbaysta ah ee Dugsiga
- Soo dagso Xaashideena La socoshada Ogaysiiska Go'aanka Dugsiga (Ingiriis).
- Soo dagso Liiskeena Booqashada Dugsiga (Ingiriis).
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Xili hore ee bisha Maarso sanad kasta, waxaad bilaabi kartaa inaad hesho ogaysiisyada kasoo baxa dugsiyada aad iska qortay ama ka codsatay inay ku diiwaan galiyaan ama natiijooyinka codsiga. Tusmadeena Go'aan Gaarista Dugsiga ayaa kusii naysa waxa ay tahay inaad ka firsato markaad go'aansanayso dookhaaga kama danbaysta ah, ee ku haboon cunugaaga.
Kahor Inta aadan Samayn Go'aankaaga Dugsiga ee Kama danbaysta ah:
-
Xasuusnoow: ma jiro jadwal isdiiwaangalinta dugsiga ah oo kaligiis ah oo ka jira Boston dugsi kastana waxa uu leeyahay jadwalkiisa ogeysiis bixinta ee u gaarka ah iyo hanaan u gaar ah, taasoo macnaheedu yahay inaad xog ka heli karto dugsiyo kala duwan xiliyo kaladuwan.
-
Ayadoo ay jirto inaad xog ka heli karto boosaska banaan ama heerka uu maraayo liiska sugitaanka ee xiliyada kaladuwan ah, aalada Boston School Finder waxay ku talinaysaa in qoysasku ay furaan dookhyadooda ilaa aad diyaar uga noqoto qaadashada go'aankaaga.
-
Waxaa laguu ogolyahay inaad codsato waqti kordhin haddii aad u baahan tahay waqti dheeraad ah si aad go'aan u gaarto. Si toos ah ula xariir dugsigaaga si aad u aragto inay ku siinayaan waqti dheeraad ah ood u baahan tahay.
Waxa ay tahay inaad sameeyso Markaad Ogaysiisyo ka hesho Dugsiyada
1. Hal meel iskugu geey ogaysiisyadaada dugsiga.
-
Adeegso Xaashideena shaqada ee La socoshada Ogaysiiska Go'aanka Dugsiga si aad ula socoto xiliyada kama danbeysta ah ee go'aanada muhiimka ah.
-
Haddii aad u baahan tahay waqti dheraad ah si aad go'aan ugaarto, waxaan ku talinaynaa inaad la xariirto dugsiga si toos ah aadna waydiisato waqti kordhin markaad u baahato.
2. Booqo dugsi kasta oo aad danaynayso.
-
Haddii dugsi uusan lahayn taariikhaha rasmiga ah ee booqashada ama kulanada dadwaynaha, waxaad wici kartaa dugsiga kadibna waxaad codsan kartaa inaad booqato. Fadlan si toos ah ula xiriir dugsi kasta si aad u ogaato sida aad ku booqan karto ama aad wax badan uga ogaan karto xarumaha.
-
Liiskeena Booqashada dugsiga ayaa kaa caawin kara u diyaar garoowga inta badan booqashadaada kaana caawinaaya aruurinta go'aankaaga.
3. Aqbal booska AMA ku jir liiska sugitaanka ee dugsi kasta oo aad wali ka baarana dagayso.
-
Waa suurtagal inaad aqbasho boosas badan oo dugsiyo badan ka kala yimid ilaa intaad go'aanka kama danbaysta ah gaarayso.
-
Xataa haddii aad aqbashay boos lagaa siiyay hal dugsi, waa suurtagal inaad kusii jirto liisaska sugitaanka ee dugsiyada kale, laakiin nooc kasta oo dugsi ah wuxuu leeyahay habraacyada kala duwan ee sugitaanka:
-
BPS: Qoysaska waxaa lagu dhiiri galinayaa RSVP go'aan kooda kama danbaysta ah ee dugsiga ee onleenka ah. Dib u eeg siyaasadaha liiska sugitaanka BPS ee webseedkooda kujira.
-
Dugsiyada Dadwaynaha ee Charter ka ah iyo Kuwa Gaarka Loo leeyahay: Waxaad aqbali kartaa boos aad ka heshay dugsi kasta/dhammaan dugsiyada oo aad codsatay waxaadna kusii jiri kartaa ee qaybahaas kamid ah. Haddii dugsigaaga gaarka loo leeyahay uu lacag qaado, waxaad u baahan kartaa inaad dhigto lacag horu maris ah si aad booska u xagsato.
-
4. Markaad gaarto go'aankaaga ugu danbeeya ee dugsiga, fadlan u sheeg dhammaan dugsiyada kale.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican