Noocyada Dugsiyada Kuyaala Boston
- Macluumaadkaan halkaan kujira usoo dejiso qaab PDF oo af Ingiriis ah.
- Si aad ugu soo dejisato macluumaadkaan oo ku qoran afkaaga hooyo, isticmaal baraawsarkaaga si aad ugu daabacdo boggan.
- Booqo Xogteena Buuxda ee Qalabka Diiwaangelinta Dugsiga e Qoysaska
Markaad tahay qoys kudhaqan Boston, waxaad helaysaa dookhyo ka badan 200 oo dhanka dugsiyada ah kuna yaala Gudaha Magaalada Boston kaliya. Boggan ayaa sharraxaya nooc kasta oo dugsi ah oo ay heli karaan qoyskaagu, ayna kamid tahay dookhyo ka baxsan Magaalada Boston. Waxaad codsan kartaa noocyo badan oo dugsiyo ah oo aad sidaad rabto, balse ma jiro hal qaab oo isku si looga codsado dugsi kasta; nooc kasta oo dugsi ah — iyo xitaa dugsiyada shaqsiga ah qaarkood oo nooc gaar ah ka tirsan — wuxuuna leeyahay geeddisocd gaar ah.
Boston Public Schools (BPS)
Sidoo kale loo yaqaan "dugsiyada dagmada" ama "BPS," waa dugsiyo dawladeed oo bilaash ah kuna yaalla magaalada Boston. Dugsiyada BPS waxaa dhigta ardada kujira fasalada K0 ilaa K2 (da'aha 3 ilaa 5 jir) dhammaan fasalka 12 iyo wixii kasii danbeeya.
- Waxaa jira noocyo badan oo dugsiyo iyo barnaamijyo ah gudaha BPS, oo ay kamid yihiin iskuulada tijaabada ah iyo kuwa imtixaanka, iskuulada charter Horace Mann "ee dagmada", iyo barnaamijyo kala duwan. Booqo Tilmaamaha Khayraadka BPS si aad wax badan uga ogaato.
- Guji halkan si aad u aragto macluumaadka dugsiyadeena ee dhammaan dugsiyada BPS agabka aaladeenna 'School Finder'.
Dugsiyada Dadwaynaha ee Commonwealth Charter
Sidoo kale loo yaqaan "dugsiyada charter," dugsiyadaan waa bilaash u furan dadwaynaha. Ardayda danaynaysa waxay ka codsan karaan dugsi kasta ama dhammaan dugsiyada Boston charter isku mar iyaga oo isticmaalaya Codsiga Dugsiga Dadweynaha ee Charter ka ee ku yaala Boston. Meeleynta dugsiyadaan charter-ka ah waxaa lagu go'aamiya bakhtiyaanasiibka ee dugsi kasta.
- Booqo tilmaamaha Agabka dugsiyada charter si aad wax badan uga ogaato.
- Guji halkan si aad u aragto macluumaadkeenna Dugsiyada Barwaaqo sooranka Dadweynaha Charter oo leh Qalabka School Finder.
Dugsiyo Diini ah oo Gaar Loo leeyahay
Sidoo kale loo yaqaan "dugsiyada diinta," Boston waxay leedahay dugsiyo diimeedyo gaar loo leeyahay, oo ay ku jiraan tiro badan oo dugsiyada Katooliga ah. In kasta oo dugsiyada diimeed ee gaarka loo leeyahay ay yihiin kuwo lacag lagu dhigto, qaar badan oo ka mid ah dugsiyadaan waxay bixiyaan kaalmo lacageed iyo/ama deeqo waxbarasho oo la siiyo ardayda. Qaar ka mid ah dugsiyada katooliga ah waa bilaash ama waxay bixiyaan kaabid lacageed, oo lagu salaynaayo dakhliga qoyska. Dugsi kasta oo gaar loo leeyahay wuxuu leeyahay hanaankiisa gaarka ah ee qorista ardayda wuxuuna doonaaya codsigiisa u gaarka ah. Ma jiro codsi guud oo loogu talagalay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaal Boston.
- Booqo tilmaamaha Dhaqaalaha ee dugsiyada gaarka loo leeyahay si aad wax badan uga ogaato.
- Guji halkan si aad u aragto Macluumaadkeenna Dugsiga ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ee diimaha ku xiran oo leh qalabkeenna 'School Finder'.
dugsiyada madaxa banaan
Ayagoo sidoo kale loo yaqaano "dugsiyada gaarka loo leeyahay," qaar badan oo dugsiyadaan ah ayaa lacag lagu dhigtaa; intooda badan waxay baxshaan taageero dhaqaale ama deeqo waxbarasho oo la siiyo ardayda halka dugsiyada gaarka qaarkood lacag la'aan lagu dhigto. Dugsi kasta oo gaar loo leeyahay wuxuu leeyahay hanaankiisa gaarka ah ee qorista ardayda wuxuuna doonaaya codsigiisa u gaarka ah. Ma jiro codsi guud oo loogu talagalay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaal Boston.
- Booqo tilmaamaha Dhaqaalaha ee dugsiyada gaarka loo leeyahay si aad wax badan uga ogaato.
- Guji halkan si aad u aragto Macluumaadkeenna Dugsiga ee dugsiyada gaarka loo leeyahay oo leh qalabkeenna School Finder
Fursadaha kale ee dugsiyada ka baxsan Boston
Marka lagu daro noocyada dugsiyada kor ku qoran, waxaa jira xulashooyin dugsi oo kaladuwan oo ay heli karaan qoyskaaga oo ku yaalla labadaba gudaha iyo banaanka magaalada Boston.
METCO
METCO waa barnaamij bilaash ah oo ardada Boston ay ugu safraan dugsiyada dadweynaha ee oo ku kala yaalla in ka badan 30 magaallo oo iskaashi nalaleh iyo magaalooyin ka baxsan magaalada Boston. Aqbalaada barnaamijka METCO waxaa lagu go'aamiyaa bakhtiyaanasiib. Qoysaska danaynaya in lagu tixgaliyo barnaamijka METCO waa inay dhamaystiraan Foomka arjiga METCO qaab onlayn ah.
- Booqo Tilmaamaha Dhaqaalaha METCO si aad wax badan uga ogaato.
- Si aad u hesho liis dhameystiran oo kusaabsan degmooyinka iskaashiga wadaagaya, fadlan booqo shabakada METCO.
Dugsiyada iyo Barnaamijyada Waxbarshada Xirfada/Farsamada Gacanta
Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa dugsiyada iyo barnaamijyada "voc-tech" marka lasoo gaabsho, dugsiyada iyo barnaamijyada barashada xirfada/farsamada gacantu waxay siiyaan barashada xirfad gaar ah ama ganacsiga xirfadaha ka jira xarumaha noocaas ah sida beeraha, alaabaha la isku qurxiyo, korontada, tuubooyinka, iwm. Barnaamijyadaan ayaa laga bixin karaa dugsiyada kaligood ah ama xarumaha dugsiyada, ama waxaa lagu dari karaa xirfad waxbarasho oo gaar ah oo lagu sameeyo degmooyinka dugsiyada dawlada ee ku yaalla Massachusetts.
- Booqo shabakada Waaxda Waxbarashada Hoose iyo Sare si aad uga hesho liiska Xirfadda/Dalxiiska ee Dugsiyada iyo Barnaamijyada Waxbarashada Farsamada gudaha Massachusetts. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo Waaxda Waxbarashada Hoose iyo Sare ee Xirfadda/Dalxiiska ee Dugsiyada iyo Barnaamijyada Waxbarashada Farsamada webpag.
Dugsiyada Barwaaqo sooranka Dadwaynaha Massachusetts Charter
Intaas waxaa raaca dugsiyada Barwaaqo sooranka Boston, dadka dagan Boston waxaa lagu soo dhaweynayaa inay galaan bakhtiyaanasiibka mid kamid ah wax kabadan 80 dugsiyada Barwaaqo sooranka charter ee ku yaalla gobolka oo dhan. Dugsiyadaan waa kuwo bilaash ah oo u furan dadweynaha. Dugsiyada Barwaaqo sooranka charter ee ka baxsan Dugsiyada Dadweynaha Charten ee Boston mid kasta waxay leeyihiin codsiyadooda diiwanagalinta iyo waqtiyo u gaar ah oo diiwaangalintoodu ku dhamaato. Markasta waxaa jira dookh lagu salaynaayo xaafada, laakiin dhammaan dugsiyada Barwaaqo sooranka charter waxay leeyihiin bakhtiyaanasiib ah in qof kasta codsan karo.
- Booqo shabakada Waaxda Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo Sare si aad u hesho liiska dhammaan dugsiyada Barwaaqo sooranka Dadweynaha charter ee Massachusetts.
- Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo bogga shabakada ee Ururka Dugsiyada Charter ee Massachusetts.
Dooqa Dugsiga Degmada-Inter
Qaar ka mid ah dugsiga dagmooyinka waxay u oggolaadaan carruurta ka baxsan xaduudahooda inay uga qeybgalaan dugsiyadooda iyadoo loo marayo barnaamijka isdhexgalka dookha dugsiga dagmooyinka Waaladiinta waxaa looga baahanyahay inay u codsadaan dugsi walba si gooni ah, iyo dugsi kasoo badalashada aan lahayn damaanad qaad. Carruurta ka qeybgala dugsiyada ka baxsan degmooyinka gurigooda barnaamijka isdhexgalka dookha dugsiga dagmooyinka ma helaan gaadiid bilaash ah. Wixii macluumaad dheeraad ah ee kusaabsan barnaamijka isdhexgalka dookha dugsiga dagmooyinka, fadlan booqo hagaha Dhaqaalaha Xulashada isdhexgalka dugsiga ama Waaxda Waxbarashada Hoose iyo Sare Dookha Tilmaamaha Dugsiga.
Massachusetts Academy of Math and Science
Sidoo kale loo yaqaan "Akadeemiyada Mass," dugsigan wuxuu ku yaalaa Worcester, Massachusetts wuxuuna qeyb ka yahay Machadka Worcester Polytechnic (WPI)Akadeemiyada Mass waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah, waxbarasho isku dhafanna lagu barto kaasoo ka shaqeeya guusha ardayda ayna dhigtaan kudhawaad 100 ardayda oo aqoon ahaan xowliga wax u barta ee fasallada 11-aad iyo 12-aad oo ka kala yimid daafaha gobalka Massachusetts. Ardadu waxay ku bartaan casharo adag WPI si loogu dhiso waxbarashada kulyadda kahor intaysan ka qalin jabin dugsiga sare.
- Wixii macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan barnaamijkeeda iyo sida loo codsan karo, fadlan booqo shabakada Akadeemiya Mass.
Dugsiga Fogaan aragga ah ee GreaterCommonwealth(Greater Commonwealth Virtual School) (GCVS)
Dugsiga oonleenka ah ee Greater Commonwealth—aoo sidoo kale loogu yeero GCVS—waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah oo bixiya waxbarashada K-12 o gabi ahaanba oonleen ah. GCVS wuxuu siiyaa ardayda dhammaan awoodaha kala duwan leh ikhiyaarka manhaj oonleen ah kaasoo u sahlaaya inay wax bartaan ayagoo guriga jooga ayagoo buuxinaaya dhammaan heerarka waxbarashada ee Massachusetts, ayagoo ay dhigayaan macalimiin shahaado ka haysta gobalka kuwaasoo tababaran khibradna uleh wax barista oonleenka ah.
- Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan is diiwaangalinta, fadlan booqo shabakada Dugsiga Onlaynaka Barwaaqa sooranka.
Dugsi Oonleen ah ee TEC Connections Academy Commonwealth (TECCA)
Dugsiga onlaynka Akadeemyada Iskuxirka TEC—oo sidoo kale loo yaqaano TECCA—waa dugsi dawladeed, oo bilaash ah ahna onlayn oo bixiya waxbarashada K-12 oo gabi ahaanba onlayn ah. TECCA wuxuu siiyaa ardada waxbarasho onlayn tayo leh taasoo baddal u ah fasalada caadiga loo fariisto iyadoo ay bixiyaan hanaan waxbarasho oo taageero leh, gaarna ah; casharo wax ku ool ah; khibradaha waxbarashada oo wada shaqayn leh; iyo manhaj isku dhafan oo kobcinaaya xiisaha, kor u qaadaaya kobaca shaqsiyada, korna u qaadaaya guusha tacliinta.
- Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan is diiwaangalinta, fadlan booqo shabakada Iskuxirka Dugsiga Farsamada Onlynka Barwaaqo sooranka.
Waxbarashada Guriga: Wax ku barista Cunugaaga Guriga
Gudaha Massachusetts, qoysasku waxay ku siin karaan carruurtooda waxbarasho guriga loogu dhigo—gooni ah oo ka madax banaan dugsiga dawlada ama gaarka loo leeyahay. Tan waxaa loo yaqaan "waxbarasho guri." Markaad doorato in guriga wax lagu baro ilmahaaga, barnaamijka waxbarashada guriga lagu dhigto (sidoo kale loo yaqaano qorshaha waxbarashada) waa inuu horay u ansixiyaa kormeeraha guud ama guddiga dugsiga ee dagmada aad dagantahay. Dadka reer Boston, tani waxay uga dhigantahay in qorshaha waxbarashadda ilmahaaga ay qasab tahay in loo soo gudbiyo uuna oggolaado Xafiiska Dugsiyada Dadweynaha Boston ee Fursadaha Balaaran ee Waxbarashada.
- Wixii macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan shuruudaha dugsi-guri ee qoysaska, fadlan booqo tan Tilmaamaha Bilaabashada Dagdagga ah ee Waxbarashada Guriga ka socota Ururka Waxbarashada Guriga ee Massachusetts (MHLA). MHLA waa urur khayri ah oo u ol-oleeya misena bixiya waxbarasho kaasoo taageera waxbarashada guryaha lagu dhigto oo badal u ah dugsiyada dawlada ama kuwa gaarka loo leeyahay.
- Wixii macluumaad dheeri ah oo kusaabsan bilaabida nidaamka codsiga dugsiga guriga ee Boston, fadlan booqo Bogga waxbarashada guriga ee Xafiiska Fursadaha Waxbarasho ee la Balaariyay shabakada BPS. Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah, fadlan iimayl u dir homeschooling@bostonpublicschools.org.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican