Ilaha Waxbarashada Gaarka ah
Ilaha Ardayda Barata Af Ingiriiska, dhagsii Halkaan.
Haddii aad tahay waalidka arday leh Qorshaha Gaarka ah ee Waxbarashada (IEP), hoos waxaa kuqoran dhawr tilmaamood oo kaacaawin kara inaad aragto dookhyada dugsi ee ufuran cunugaaga Boston.
Tilmaamaha Guud:
-
Fahan Qorshaha Waxbarashada Gaarka ah ee cunugaaga (IEP) iyo taageerada uu ugu baahan yahay naafadiisa. Kaqaybgalkaaga ayaa biloow fiican unoqon kara in looguu gudbiyo adeegyo kale haddii aad taageero heeri ah ubaahan tahay.
-
Si joogto ah dulmar ugu samee macluumaadka aqooneed ee cunugaaga. Haddii cunugaagu tacliin ahaan hooseeyo, waa inuu sameeyaa kobac sanad udhigma sanad kasta si uu ula qabsado ardayda kale, IEP giisuna waa inuu arintaas muujiyaa kana taageeraa.
-
Dabagal kusamee oo qor natiijooyinka kulanada (tusaale, kuwa emailka lagu diro) si dhamaan dhinacyadu isula jaan qaadaan.
-
Booqo dugsiyada oo kormeer fasalada kahor intaadan go'aano kagaarin dugsiga. tusmadeena dugsiga ayaa kucaawin karta.
Boston Public Schools (BPS):
Tusmada BPS ee marinka Diiwaangalinta ayaa ah macluumaad kucaawin kara. Waxay kuqoran tahay luuqado badan. Liiska Dugsiyada BPS ee leh barnaamijyada waxbarashada gaarka ah ayaa sidoo kale kaacaawin kara fahanka dookhyada dugsiyada.
Qoysaska dugsiyada kubiiraaya markoodii koobaad:
-
Lakulan khabiir dhanka diiwanagalinta ah oo jooga Xarunta Soodhawanta. Waxaad isqori kartaa xili hore, kadibna waxaad codsan kartaa balan.
-
Xaqiiji inaad keento dhamaan dukumiintiyada lagaa rabo.
-
-
Ayadoo laga fiirinaayo baahiyaha kucad IEP da cunugaaga, BPS ayaa kugu dari kara koox aad kala shaqayn doonto xulashada dugsi kuhaboon baahiyaha cunugaaga.
Qoysaska dugsi kale uwareegaaya:
-
Dib u eegis iyo qorshayn kusamee wareejinta ardayga adoo kaashanaaya shaqaalaha dugsiga. Dib u eegista Qorshaha Waxbarashada Gaarka ah (IEP) waa in lasameeyaa marka cunugaagu uu gaaro da'da 14 sano jir, laakiin waxaad codsan kartaa dib u eegis xili hore ah si aad ufahanto dookhyada dugsiga xili hore.
-
Haddii aad ubaahantahay taageero dheeri ah, kacodso maamulaha dugsiga ama degmada.
Tilmaamaha guud ee Dhamaan dugsiyada
Fahan barnaamijyada dugsi kasta, iyo inay kuhaboon yihiin baahiyaha cunugaaga.
Ururada Taageerada
Magaca Ururka | Siday taageerada ubaxshaan |
---|---|
Liiska dugsiyada BPS ee leh Barnamijyada Waxbarashada Gaarka ah | Arag barnaamijyada gaarka ah ee dugsiga kajira |
Boston SpedPac | Golaha talobixinta magaalada dhan ee waalidka. Waxay kala shaqaysaa systemka Boston Public School System si loo xaqiijiyo in caruurtu helaan adeegyada iyo taageerada ay ubaahan yihiin. Kulanada guud waxaa lagu qabtaa dugsiyada si joogto ah. Booqo websetyada si aad u hesho faahfaahin |
Massachusetts Department of Elementary and Secondary Education (Waaxda Waxbarashada Hoose iyo mida Sare ee gobalka Massachusetts) | Tusmooyinka hanaanada codsigu waxay kuqoran yihiin luuqado badan |
Midawga Caruurta Qaba Baahiaah Gaarka ah | Waxay bixisaa macluumaad, taageero, iyo caawimaad lasiiyo waalidiinta ardayda naafada ah |
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican