Waa maxay xeerka Meelaynta Dugsiga ee Xaafada Lagu saleeyo (HBAP)?
Boston Public Schools (BPS), si lamid ah degmooyinka kale ee dugsiyo aad u badan, waxay adeegsataa ka qorista ardayda—halkii ay ka adeegsan lahayd xeerka xaafada—si ay u go'aamiso dugsiga ardaydu galayaan. Waa muhiim in la fahmo in marka aad ilmahaaga ka diiwaangelinayso BPS inaysan qasab ahayn in loo damaanad qaado inay dhigtaan dugsi ku yaal "xaafada".
U dhaqaaqida HBAP
Nidaamka hadda jira, ee loo yaqaan Nidaamka meelaynta-Ku-saleysan xaafada aad dagan tahay (HBAP), waxa uu shaqeynaayey illaa sannad dugsiyeedkii 2014-2015. Nidaamkaani waxa uu badelay siyaasadii meelaynta ee hore ee BPS oo loo yaqaanay 3-Z, taasoo magaalada Boston loo qaybin jiray saddex soone oo kala duwan. Qaabkii meelaynta hore ee 3-Z, ardayda waxay xaq u lahaayeen oo kaliya inay galaan dugsiyada kuyaalla aaga ay ku nool yihiin.
Marka loo eego BPS, HBAP waxay iskudayaysaa inay isku dheelitirto ilaa iyo inta ay tahay in ardayda iyo qoysaskoodu ay socdaan si ay dugsiyada u tagaan, iyagoo isku dayaya inay hubiyaan in dhammaan ardayda magaalada oo idil ay helaan dugsiyo tayo sare leh.
Xuquuqda sawirada waxaa leh Boston Public Schools.
Sida ay DDB uga qorto ardayda HBAP
Ardayda waxaa laga qoraa dugsiyada iyagoo la isticmaalaayo algorithm ka kombiyuutarka oo ay soo saartay BPS.
-
Marka laga diiwaangelinaayo cunuggaaga BPS, algorithm wuxuu tixgelinayaa ciwaanka gurigaaga iyo tayada dugsiyada ugu dhow gurigaaga. Haddii aad leedahay walaalo horey u dhiganayay dugsiga, waxaad heleysaa doorbidid cunugaaguna wuxuu helayaa fursad aad u saraysa oo boos looga siinaayo isla dugsiga ay dhigtaan carruurta waalihiis.
-
Qoysaska waxaa la siiyaa “salada dookha” dugsiga arday kasta.
-
Qoysasku waxay ku taxaan dookhyadooda dugsiyada kujira saladooda dookhyada.
-
Haddii aysan jirin kuraas ku filan arday kasta oo laga helaayo dugsi oo qoysku doonaayo inuu ku biiro, qaadashada ardayda kuraastaas buuxinaysa waxaa lagu go'aamiyaa hanaan bakhrtiyaa nasiib ah. Mar labaad, walaalaha waxaa la siiyaa mudnaanta bakhtiyaa nasiibkaas, laakiin waa inaad diiwaangelisaa canug walba si gooni ah, iyo waqtiga loogu tala galay.
Ilaa in cunugaagu haysto maahee walaal ka wayn, ma jirto wax damaanad ah oo ah in lagaa qori doono dugsiga aad dooneyso. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan qoysaska inay dhisaan liiskooda dookhyada gaarka ah kuwaasoo ay kujiraan dhammaan dookhyadaada dugsiyada. Halkaan guji si aad u kiciso aaladeena School Finder.
Tixgalinno Gaar ah
Waxbarashada Gaarka ah iyo Ardayda Barata Luuqadda Ingiriisiga (ELL)
Xaaladaha qaarkood, haddii ardaygu u baahdo taageero Waxbarashada Gaarka ah ama adeegyada Barteyaalka Afka Ingiriisiga (ELL), degmadu waxay si toos ah u gayn doontaa dugsi leh barnaamijyo dabooli kara baahiyahaas, kana baxsan nidaamka bakhtiyaa-nasiibka guud. Eeg tusmooyinka ilaheena Waxbarashada Gaarka ah iyo Bartaha Luuqada Ingiriiska khayraadka si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Mudnaanta Walaalnimada
Haddii aad leedahay walaal kaa weyn oo kujira dugsiga BPS oo aad rabto cunugaaga yar inuu galo isla iskuulkaas, BPS waxay siinayaan muhiimad gaar ah ilmaha walaalaha ah. Waxaad markaas haysataa fursad aad u wayn oo ah in cunugaaga yar la galin doono isla dugsiga uu dhigto walaalkiis ka wayn.
Aqbalaada boos
Iska qorista BPS, galitaanka nidaamka bakhtiyaa-nasiibka ah ee dugsiyada charter ka, iyo codsashada dugsiyada gaarka loo leeyahay qasab kaagama dhigayaan inaad aqbasho boos lagaa siiyay dugsi ku aqbalay. Waxaad awoodaa inaad aqbasho ama diido boosaska la siiyo cunugaaga qayb kasta oo ka mid ah hanaanka, adoon lagu saarayn wax ganaax ah. Sababtaan awgeed, Boston School Finder waxay ku boorinaysaa qoysaska inay ka fiirsadaan dhammaan dookhyada dugsiyada kuu furan: markasta waxaad diidi kartaa boos lagu siiyay, laakiin ma diidi kartid boos aan lagu siin.
Maqabtaa Su'aal?
Khubaradeena ayaa kusiinaaya macluumaadka saxda ah ee aad kuhelayso dugsiga ugu fiican